Thursday, January 27, 2022

Farmaajo ayaa raba inuu xoog ku bililiqeysto kuraasta hirshabeele











Diyaarad sidday ciidamo ka mid ah kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Gorgor iyo kuwa Booliska Haramcad ayaa maanta laga dajiyey garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne.

Amarka ciidamada looga qaaday Muqdisho, laguna geeyey halkaasi waxa bixiyey Farmaajo oo maalmihii u dambeeyey toos faraha ugula jiray arinta Beledweyn.

Madamo dhowaan lagu qabanayaa doorashada illaa 25 kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya, waxaana xusid mudan in kuraastan mid ka mid ah uu doonayo Fahad Yaasiin oo aad ugu dhow Farmaajo

Farmaajo iyo fahad yasin ciidanka ay geeyeen magaalada Beledweyne waxay ay ka leeyihiin hal u jeedo, taas oo ah in ku boobaan kuraasta deegaan doorashadoodu tahay gobolka Hiiraan.

Sidoo kale qorshahii uu ku keenay farmaajo Jeneraal Xuud Muqdisho wuxu qeyb ka yahay boobka doorashada ee Villa Somalia ay qorsheyneyso

No comments:

Post a Comment